Ganacsiga Soomaaliya
Qeybta
1-aad.
Hordhac.
Bishii
Janaayo 29, 2008-dii, shir ay taageertay Qaramada Midoobey (UN) oo ay iskugu
imadeen Xarumaha Gaarka loo leeyahey (Privet Sector) oo cinwaan looga dhigay "Nabadeynta Soomaaliya"
ayaa ka dhacay Sharjah Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates). Waxaa soo qaban
qaabiyay xafiiska siyaasada qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya UNPOS.
Kaqeybgalayaasha, waxaa ku sugnaa dad Ganacsato caan ah oo ka kala yimid
Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, Mareykanka iyo sidoo kale Ganacsatada ugu magaca
weyn Soomaaliya. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la qiimeeyo xaalada dhaqaale ee
Soomaaliya iyo fursadaha u saamaxaya in dalku uga gudbo dagaal uu u wareego
dhaq dhaqaaq nabadeed.
Ka
qeybgalayaasha ku sugnaa shirka waxay isla garteen in dhaqaalaha Soomaaliya uu
ahaa mid xaalad adag ku jira, haddana ay maanta ka xoog badan tahay dalal kale oo badan oo Afrika ah - marka loo
eego tilmaamayaasha dhaqaalaha sida GDP-ga, wax sooiibsiga iyo dhoofinta (Imports and Exports). Intaa ka
sokow, ganacsatadu waxay ogaadeen qaybo badan oo dhaqaalle oo laga yaabo inay
kobciyaan dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha iyo wax soo saarka beeraha,
xawaaladaha, isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalle Sida: saliidda iyo gaaska,
macdanta, gaadiidka iyo dalxiiska. Maxay taasi muujinayaa?
In
kasta oo Soomaaliya ay ka jirtay xilligaas dowlad la'aan wax ka badan 15 sano,
dhaqaalaheeda ayaa si fiican u shaqeynayay. Waxay u muuqataa inay si la yaab
leh u xasillan tahay - xaaladda taagan markaas, laakiin iska deggan, halka ay inta badan ku saleysan tahay waaxda
khaaska ah (Privet Sector).
Qoramadaan
waxaan isku dayi doonnaa inaan ku falanqeyo waxyaabaha gaarka ah ee dhaqaalaha
Soomaaliya, kaasoo ah kala guurka dhaqaale dagaal oo salka ku haya boob loo
maro dhaqaalaha adeeg ku saleysan (Service-based economy). Goorma iyo ilaa
intee ayuu isbeddelkan ku dhacay dhaqaalaha Soomaaliya? Waxaan ku tilmaami
karnaa isbeddelada dhaca Xilliga horumarka?
Ma jawaab celin baaxad ayey ku tahay dhibaatooyinka ay bulshada rayidka ahi la
kulmayso, mise waa wax ka yar laba shay?
Lasoco
Qeybta Xigta.......
Wabillahi
Toowfiiq.
W/Q:
Abdikarim Shukri