Monday, 13 April 2020

Qoramadaan waxaa ku Faaqidi donaa Hormarka ay ka sameyeen Ganacsatada Soomaliyeed (Privet Sector-ka) Ganacsiga Soomaaliya


Ganacsiga Soomaaliya


Qeybta 1-aad.

Hordhac.

Bishii Janaayo 29, 2008-dii, shir ay taageertay Qaramada Midoobey (UN) oo ay iskugu imadeen Xarumaha Gaarka loo leeyahey (Privet Sector)  oo cinwaan looga dhigay "Nabadeynta Soomaaliya" ayaa ka dhacay Sharjah Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates). Waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska siyaasada qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya UNPOS. Kaqeybgalayaasha, waxaa ku sugnaa dad Ganacsato caan ah oo ka kala yimid Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, Mareykanka iyo sidoo kale Ganacsatada ugu magaca weyn Soomaaliya. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la qiimeeyo xaalada dhaqaale ee Soomaaliya iyo fursadaha u saamaxaya in dalku uga gudbo dagaal uu u wareego dhaq dhaqaaq nabadeed.

Ka qeybgalayaasha ku sugnaa shirka waxay isla garteen in dhaqaalaha Soomaaliya uu ahaa mid xaalad adag ku jira, haddana ay maanta ka xoog badan tahay  dalal kale oo badan oo Afrika ah - marka loo eego tilmaamayaasha dhaqaalaha sida GDP-ga, wax sooiibsiga  iyo dhoofinta (Imports and Exports). Intaa ka sokow, ganacsatadu waxay ogaadeen qaybo badan oo dhaqaalle oo laga yaabo inay kobciyaan dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha iyo wax soo saarka beeraha, xawaaladaha, isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalle Sida: saliidda iyo gaaska, macdanta, gaadiidka iyo dalxiiska. Maxay  taasi muujinayaa?

In kasta oo Soomaaliya ay ka jirtay xilligaas  dowlad la'aan wax ka badan 15 sano, dhaqaalaheeda ayaa si fiican u shaqeynayay. Waxay u muuqataa inay si la yaab leh u xasillan tahay - xaaladda taagan markaas, laakiin iska  deggan, halka ay inta badan ku saleysan tahay waaxda khaaska ah (Privet Sector).

Qoramadaan waxaan isku dayi doonnaa inaan ku falanqeyo waxyaabaha gaarka ah ee dhaqaalaha Soomaaliya, kaasoo ah kala guurka dhaqaale dagaal oo salka ku haya boob loo maro dhaqaalaha adeeg ku saleysan (Service-based economy). Goorma iyo ilaa intee ayuu isbeddelkan ku dhacay dhaqaalaha Soomaaliya? Waxaan ku tilmaami karnaa isbeddelada dhaca Xilliga  horumarka? Ma jawaab celin baaxad ayey ku tahay dhibaatooyinka ay bulshada rayidka ahi la kulmayso, mise waa wax ka yar laba shay?



Lasoco Qeybta Xigta.......

Wabillahi Toowfiiq.

W/Q: Abdikarim Shukri

5 comments: