Tuesday, 3 March 2020

Waa Maxay Ganacsi ?




Waa maxay Ganacsi ?
Ganacsigu waa dhaqdhaqaaqa ama sameynta nolasha Qofka bini’aadamka ama sameynta lacagaha, Isagoo soo saarayo ama iibsanayo iyo iibinayo alaabta ( sida alaabta iyo Adeegyada).
Ganacsi kasta wuxuu u baahanyahay nooc ka mid ah maalgelinta iyo macaamiil ku filan in loo iibin karo si joogta ah si uu ugu caddeeyo faa’iidada. Ganacsiga wuxuu u kalla baxaa noocyo badan oo kala duwan sidda midka qaas ah ( private) ama ay leedahay dawladda sidda kuwa aany ka raadinn bulshada faa’iido ( non-profit business ).
Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa jiro qaar aysan dawladda ka raadinin lacago badan sidda Korantada iyo biyaha oo kale. Waxaana ugu badan Hay,adaha caafimaad oo ah gargaar u qaas ah bulshada. Waxaa jiro hay,ado kale oo uqaabilsan hormarinta dhaqaalaha dalka. Wadamada qaar dunida waxaad ku arkaysaa bangiyada dhexe in ay leeyihiin mashruucyada dhiiri gelinta ganacsiga yar-yar ( micro-finance ) oo hadafkiisa yahey in bulshada laga dhiso kaabayaasha dhaqaale.
Lahaanshaha magaca ganacsiga ma kala saari karo shirkadda mulkiilaha, taas oo macnaheedu yahay in milkiilaha ganacsigu uu masuul ka yahay iyo deyn lagu bixinayo ganacsiga. Haddii ganacsigu dakhliga soo iibsado, dayn-bixiyeyaashu waxay raaci karaan hantida shakhsiga ah. Qaab dhismeedka ganacsigu ma ogola qiimaha shirkadaha. Qofka ganacsadaha ah ayaa shakhsi ahaan laga canshuurayaa dhammaan dakhliga ganacsiga.

Kuwa dhaqaalaha iyo maaliyada waxaa kamid ah:

Amal Express, Adeegyada maaliyadeed
Central Bank of Somalia, Bangiga dhexe
Dahabshiil, adeegyada maaliyadeed
International Bank of Somalia, Bangi ganacsi
premier bank, Bangi ganacsi
Salaam Somali Bank, Bangi ganacsi

Shidaalka iyo saliidda:

Midowga Sahaminta shidaalka Soomaaliyeed, saliidda iyo gaaska

Shirkadaha safarada:

Air Somalia, Diyaarad
Daallo Airlines, Diyaarad
Jubba Airways, Diyaarad
Dhaweeye, Shirkad takaasi
Somali Airlines, Diyaarad

Kuwa isgaarsiinta waxaa ka mid ah:

Hormuud Telecom, Isgaarsiinta
NationLink Telecom, Isgaarsiinta
Somtel, Isgaarsiinta
Somnet, Isgaarsiinta
Telcom, Isgaarsiinta
Telesom, Isgaarsiinta

Qaababka Aas-aasiga Ah Ee Lahaanshaha Ganacsi


Ganacsi Hal qof lee yahay ( A sole proprietorship).

Ganacsiga oo nocaan eh waxaa raasumaalka leh hal qof isga ayaa dadka shaqaaleysiin karo, wuxuu leeyahay mas’uuliyada aan xadidnayn, dhamaan waajibaayada uu soo saaro la qadanaayo ee ku saabsan ganacsigiisa ha ahaato kharshaka lagu shaqeynaayo ama lagu soo adeegaayo, Qofka nocaan oo kale ayaa wax walbo oo ganasigaas rasamaal u ah iska leh. Sida makiinadaha. Kombuyuutaradda IWM. Milkiilaha ganacsiga noocaan oo kale ayaa lagu lahadaa deymo badan, laakiin markaad dhinacyo badan ka fiirso marna waa qatar weyn marna waxaa laga helaa faa’iido badan.

Iskaashiga( Partnership ).

waa ganacsi ay leedahay laba qof ama in ka badan. Noocyada kala duwan ee shuraako, iskaashigu micnihiiso waa in wax walbo la wadaago. lamaane kastaa wuxuu leeyahay masuuliyad aan xadidnayn oo ah deymaha ay gashay ganacsiga. Iyadoo la wadaagayo fa’iido iyo qasaaro. Saddexda nooc ee ugu wayn ee iskaashatooyinka faa'iidada leh waa iskaashiga guud oo fa’iido doon , iskaashiga guud, iyo iskaashi xadidan.

Ganacsi ka kooban dad badan (Corporation).

Mulkiilayaasha shirkadku waxay leeyihiin awood xadidan, Shirkadaha waxay noqon karaan kuwo dowladu leedahay ama gaar loo leeyahey, waxayna u qabanqaabin karaan faa'iido ama ururo aan faa'iido doon ahayn.
Ganacsiga nocaan oo kalle waxaa lagu leeyahey daymo aan sidaas usii badneen. Waxwalbo oo ku jira ganacsigaas waxaa iska leh dadka wax ku leh oo kali ah. Qof walbo oo ganacsigaas wax ku leh waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba. Waxaa laga yabaa inaa ka koobanyahay 1,000 ama ka badan milkiilayaal, milkiile walbo waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba inta uu ku leeyahay rasumaalka. Waxaana jira nidaam ka wada dhaxeeyo dhammaan milkiiliyaashaas noocaan oo kale eh.

Fikridaadu Waa Muhiim.


W/Q: AbdiKarim Shukri Hilowle


No comments:

Post a Comment